Xisbiga M oo jawaab ka doonaya arrinka wasiirka difaaca Ciraaq

5:23 min

Xisbiga Moderaterna ayaa codsaday iney xubno ka tirsan golaha wasiirradu hor yimaadaan laba ka mid ah guddi hoosaadyada baarlamanka sidii loo xaqiijin lahaa su’aallo la xiriira wasiirka difaaca ee dalka Ciraaq oo haysta laba dhalasho oo ay ka mid tahay dhalashada dalka Sweden iyo sidoo kale hadal hayn la xiriirta taageero dhaqaale oo si khaldan lagu qaatay – bidragsfusk waxa loo yaqaanno.

– Laba xaaladood ayaa iminka taagan. Mid ah  xubin wasiir oo ka tirsan dawlad kale oo la hubo inuu haysto dhalshada muwaadinnimo ee dalkan Sweden oo lagu eedeeyneyo inuu ku tallaabsaday khiyaamo sannado socday oo la xiriirta taageero dhaqaale, iyo dhanka kale midda la xiriirta kulanka labada guddi hoosaad ee baarlamanka ee difaaca iyo arrimmaha dibadda ee go’aanka ka gaari doona sidii loo dheereeyn lahaa wakhtiga howlaha tababarka ciidan ee dalkani siiyo dalka Ciraaq. Waana mid loo baahan yahay in dawladdu ay noo caddeeyso wixii ay horay u ogsoonayd, sida uu sheegay guddoomiyaha xubnaha baarlamanka ee xisbiga Moderaterna Tobias Billström, mar uu warreeysi siiyay laanta wararka Ekot.

Xisbiga Moderaterna ayaa doonaya inuu wasiirka ceeymiska qaranka Ardalan Shekarabi (S) looga yeero guddi hoosaadka ceeymiska bulshada si uu uga war bixiyo sida ay ugu suurta gashay wasiirka difaaca Ciraaq, Najah al-Shammari, in la siiyo dhalashada dalka, iyo haddii uu qaatay taageero dhaqaale ee aanu xaq u lahayn iyo sida ay middaasi ku dhacday.

Tobias Billström ayaa dhanka kale doonaya in si wakhti loogu daro ka qayb galka dalkan ee howlaha tababarka mileteri ee caalamiga ah loo baahan yahay inay ka horreeyso warbixin dawladda laga helo.

– Xisbiga Moderaterna wuxuu sidoo kale doonayaa iney kulanka wada jirka ee guddi hoosaadyada difaaca iyo arrimmaha dibadda ee khamiista qabsoomi doona ey ka soo qeyb galaan wakiillo ka socda wasaarradaha difaaca iyo arrimmaha dibadda, halkaasina oo looga xaajoon doono su’aasha la xiriirta ”in wakhti lagu daro howlaha tabababarka ciidammada dalka Ciraaq ee dalkani uu qeybta ka yahey”. Baarlamankuna wuxuu qarka u saaran yahay inuu arrinkaa go’aan ka gaaro, sidaa daraadeedna loo baahan yahay warbixin in laga helo dawladda.

Tobias Billström oo ka jawaabayay su’aal la xiriirta labada dhalasho ee uu haysto wasiirka difaaca Ciraaq sida ay u saameeyn karto howlaha tababarka ciidan ee dalka Sweden uu ka wado Ciraaq ayaa yiri:

– Labada dhalasho ee keliya maahan waxa laga hadleyo, waxaase laga hadleyaa aaminaadda loo qabi karo shakhsi looga shakisan yahay musuq taageero dhaqaale.

Dhanka kale wasiirka gaashaan dhigga dalka Ciraaq ayaa qareen ka qabsaday dalka Sweden si uu cadaaladda u hor keeno wararka been abuurka ah oo ey faafiyeen saxaafadaha reer Sweden qaarkood, kuwaasina oo ey ka mid yihiin in dalka Ciraaq aannu xil wasiirnimo ka qaban karin qof haysta laba dhalasho.

Wasiirka difaaca Ciraaq ayaa ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada milateriga dalka Ciraaq ka hor iyo ka dib intii aan xukunka laga tuurin Saadaam Xuseeyn, balse uu soo galay Sweden sannadkii 2009, Dalkana dib ugu soo laabtay sannadkii 2016, ama 2017 oo uu shaqo ka helay wasaaradda difaaca, sida uu sheegay suxufi magaciisa ka gaabsaday oo la shaqeeya wakaaladda wararka ee AFP:

Su’aasha la xiriirta inuu lahaa laba dhalasho, mid iswiidhish iyo mid Ciraaq ah ayaa ahayd mid la ogsoonaa, waana mid ay xaalad la mid ah ku jiraan qaar badan oo ka mid ah golaha wasiirrada Ciraaq:

-Ciraaq waa waddan ey muddo yar ku bixiyaan, ey ka dhaqaaleeystaan, iyagoona dabadeed isaga taga. Waana habka ay dalkan ula dhaqmaan, sida uu sheegay suxufiga ciraaqiga ee la shaqeeya wakaaladda wararka AFP oo warreeysi ay la yeelatay laanta idaacadda ee Studio Ett.