Xeer ilaalinta oo bilawday baaris ku jeeda wasiirka difaaca Ciraaq

0:53 min

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa ku dhawaaqay baaritaan ka dhan ah wasiirka gaashaandhiga Ciraaq oo ah nin heysta dhalashada Sweden. Wasiirka ayaa waxaa ku furan mowjado xagga sharciga Swwden ah.

Neela Frisell oo ah xeer ilaaliye ka tirsan qeybta la dagaalanka dambiyada caalamiga ee abaabulan ayaa bilowday baaritaan ka dhan ah wasiirka gaashaandhiga dalka Ciraaq oo sidoo kale heysta dhalshada Sweden.

Waxaa jira dhowr dacwado ah oo tilmaamaya in wasiirka uu geystay tacadiyo ka dhan ah bina aadamnimada.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay qeybta xeer ilaalinta dalka ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee caalamiga in ay bilaabayaan baaritaan.

Toddobaadkii hore ayaa la kashifay in wasiirka gaashaandhiga Ciraaq  Najah al-Shammari in uu heysto dhalshada Sweden uuna ku jooga dalka magac kale . waxaa sidoo kale soo baxay baaritaan kale oo lagu hayo wasiirka oo ah in uu galay dambi is daba marin iyo dambi addrees.