Dabeylo xooggan iyo baraf baajiyay duulimaadyo garoonka Arlanda

1:14 min

Dabeylo xoog badan iyo baraf ayaa sababay in ay baaqdaan dhowr duulimaad oo saakay ka kici lahaa garoonka diyaaradaha Arlanda ee daafaha magaaladda Stockholm.

Waxaa sidoo kale dib u dhac uu ku yimid dhowr duulimaad oo kale.

Duulimaadyada u baaqday cimilada darteed ayaa gaaraya ilaa iyo 15.

Saakay aroortii hore, waxaa furnaa mid keliya dhabooyinka ay soo cago dhigtaan diyaaradaha soo degaya hase yeeshee markii saacaddu ay ahayd sideeda iyo barka aroornimo waxaa durmay dhammaan dhabooyinka diyaaradaha ku soo degaan.

– Waxaa jira duulimaadyo ku yimid dib u dhac hal saac saakay garoonka Arlanda. Waxaan ugu badan duulimaadyda gudaha, ayay tiri Lovisa Ernestam oo ka tirsan xafiiska warfaafinta ee shirkadda maamusha Arlanda ee på Swedavia mar ay la hadashay wakaaladda wararka TT.

Nawaaxiga Stockholm, iyo gobaladda Östergötland, Örebro, Västmanland iyo qeybo ka mid ah Småland ayaa waxaa ka dayaa baraf badan saakay sida ay soo qortay TT.

Hay’adda gaadiidka ee Trafikverket  ayaa saakay ka digtay silbasho ama taraarax baabuurta ah gobolka Stockholm ka dib markii baraf badan uu ka da’ay magaaladda.