Boliiska oo xaqiijiyay geerida gabar 17 jir ahayd

1:30 min

Ciidanka ammaanka ayaa shaaca ka qaaday iney heleen xubin ka mid ah oogadii gabar 17-jir ahayd oo muddo laba toddobaad gaareysa lagu baadi goobayey nawaaxiga magaalada Uddevalla.

Ciidanka ammaanka ayaa qoraal saxaafadeed uu soo saarey ku sheegay in gabadhii la raadinayay aanay nooleeyn. Halka uu nin ruumaanka (xabsiga) ugu jiro tuhun geerideeda ku saabsan.

Fiidnimadii xalay ayay ahayd kolkii la heley xubinteeda, middaasina oo caddeeynaysa in la oran karo in gabadhii 17-jirka ahayd aanay nooleeyn.

– Waa arrin la xiriira kolkii ay ciidanka boliiska u suurtagashay inay helaan xubin oogadeeda ka amid ahayd, middaasina oo qeexaysa inaan la filayn in nolol lagu helo. Iyadoona xubinteeda la helay fiidnimadii xalay, sida uu sheegay Victor Jensen, mar uu la hadlay laanta wararka Ekot.

Qiyaastii 500 oo warreeysi ayuu illaa hadda ciidanka ammaanku la yeeshey dad kala duwan muddada ay baaristu socotay. Halka uu nin ruumaanka ugu jiro tuhun la xiriira dil.

Ninkan ayaa iska dheereeyay inuu wax dembi ah gacan ku leeyahay, halka garyaqaankiisuna uu horay u sheegay in ninkani aannu garansanayn sababta fal dembiyeedkan loogu tuhunsan yahay.

Hase yeeshee ay shir jaraaid oo ay shalay qabatay ku sheegtay Caroline Fransson, ku simaha madaxa xeer ilaaliyaha inuu kor u kacay tuhunkii eedeeymaha ee ninkaasi lagu tuhunsanaa.