Madax hogaanka xisbiga Folkpartiet oo soo jeediyey in taageero loo dhan yahey loo fidiyo dawladda Danmark

Wasiirka arrimmaha dibadda ee dalkan Iswiidhen Leila Freivalds waxey taageero ku heshey sidii ey uga dhiidhidey dabkii ey u geysteen safaaradda dalkan ee dalka Siiriya dadyoowgii halkaasi bannaanbaxa ka dhigey.

Sidoo kale waxey iyaduna arrin middaa la mid ka dhacdey magaalada Beyruud ee caasimadda dalka Lubnaan, halkaasina oo dab lagu qabasiiyey konsulka safaaradda Denmark ey carrigaasi ku leedahey.

Ammuurahaasi waxey ka dambeeyeen sawirradii lagu soo daabacey wargeyska Jyllands Posten ee ka soo baxa dalka Danmark, laguna nisbeeynayey nabi Maxamed Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee.

Sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Folkpartiet Lars Leijonborg ayaa sheegey baahida loo qabo in xisbiyadda dalkan ka jira ey si wada jir ah meel uga soo jeesteen taageerada dawladda Danmark iyo in aan si dhuumasho laheyn loo ilaaliyo nidaamka madaxa bannaan ee hadalka iyo suxuufadda.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".