Iswiidhen kama jiraan shuruuc xaddidaya inaad xisbi cusub abuurto

Taa macnaheedu waxey tahey in ciddii doonta ey ama abuuri karto ama xubin ka noqon karto xisbi

Waa suurtagal in xisbi leeyahey oo keliya laba xubnood sharciguna u aqoonsado xisbi ahaan. Xisbi waxaa lagu tiriyaa sita jaaliyad fikireed.

Dhisidda xisbi cusub

Xisbigu wuxuu si xor ah u diiwaangashan karaa magaca xisbiga una soo sharixi karaa musharixiin doorashada. Sidaa ayuuna xisbigu ku difaacdaa magaciisa iyo warqadihiisa doorashada. Laakiin xisbigu uma baahna in uu diiwaangeliyo magaciisa si uu doorashda uga qaybgalo.Si loo diiwaangeliyo calaamadda xisbiga waa in xisbigu gudbistaa codsi ay taageerayaan tiro cayiman oo dad ahi, dadkaasi oo aan u baahnayn in ay xubno ka ahaadaan xisbiga. Diiwaangelinta doorashda baarlamaanku waxay u baahantahay 1 500 oo saxiix, tan gobolkuna 100 tan degmaduna 50. Magaca ururku waa in aanu u ekayn mid hore u jirey, waana in xisbigu leeyahay dastuur iyo gudi (gole dhexe).Iswidhan waxaa ka diiwaangashan qiyaastii 200 oo xisbi,waxana diiwaanka laga saaraa haddii aanu xisbigu ka qaybgelin labo doorasho oo is xiga.Codsiga diiwangelinta magaca xisbigu waa in uu soo gaaraa wakaaladda doorashada ugu dambayn maalinta febraayo ugu dambaysa ee sanadka doorashada, si uu doorashada sanadkaas uga qaybgalo.Dadka sharci ahaan u xaqleh metelaadda ururka ayuun baa soo gudbin kara musharaxiinta. Musharaxuna waa in uu qoraal ku cadeeyaa in uu ogolaaday in xisbigu sharaxo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".