GO’AANKII MAXKAMMADDA GÖTEBORG OO MAANTA LAGU DHAWAAQI DOONO

Aabbe soomaaliyeed oo 41 jir ah ayaa maxkammadiisii maanta oo isniin ah taariikhduna tahey 26-ka bisha Juun la filayaa in lagu dhawaaqop.

Waxaa laga cabsi qabaa in lagu xukumo illaa iyo toban sannadood oo xarig ah.

Islamarkaana islamarkaana uu aabbahaasi sheegey in aannu dembigaas gacan ku laheyn.

Sannadkii 2001-dii ayuu laba caruur ah oo uu dhaley, wiil iyo gabar dib ugu celiyey dalkii Soomaaliya.

Gabadha ayaa ku guuleysatey iney ka soo baxsato dibna ugu timaado hooyadeed oo ku dhaqan carriga boqortooyada Ingiriiska.

Sida uu sheegayo aabbahaa soomaaliyeed in gabadhu ey isla baxeen nin la sheegey inuu aad uga da’ weyn yahey. Islamarkaana ey reerka ninku ey falka gudniinka ku sameeyeen.

Sannadkii 1982-kii ayaa dalkan laga mamnuucey gudniinka fircooniga ee hablaha. Iyada oo sannadkii 1999-kii lagu kordhiyey in xitaa haddii uu gudniinkaasi ka dhaco dalka dibaddiisa lagu soo taagi karo maxkamad ciddii ka dambeeysey.

Haddii eedeysanahaa ey maxkammaddu ku caddeeyso inuu falkaa geystey, wuxuu qarka u saaran yahey in lagu xukumo xabsi illaa iyo toban sannadood.

Sidoo kale wuxuu xeerilaaliyuhu maxkammadda ka dalbadey magdhow gaareysa 650 kun oo koronka iswiidhishka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".