JAALIYADDA IYO URURRADA SOOMAALIYEED OO WALAAC KA MUUJIYEY DILKII MARTIN ADLER

Bulashada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Iswiidhen ayey murugo ku abuurtey dilkii loo geystey suxufi/sawirqaade Martin Adler ee jimcadii ina soo dhaaftey ee taariikhduna aheyd 23-kii Juun xabad lala beegsadey kuna naf waayey mar uu hoowshiisa ka watey bannaanbax looga soo horjeedey ciidammada shisheeyey ee xubnaha baarlamanka ee dawladda federaalku go’aanka ku gaareen in dalka la keeno toddobaadkii soo dhaafey.

Qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed waxey dhambaallo tacsiyadeed u direen qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodey Martin Adler.

Sidoo kale waxaa dhambaaladdaa ey ku caddeeyeen in aannu aheyn mid/kuwo ka tarjumaya damiirka bulshada iyo diinta umadda soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ey middaasi ka soo saareen ururka dalladda ururrada soomaaliyeed ”SRSF”, ayey ku sheegeen iney aad uga xun yihiin dhacdada dilka ee loo geystey Martin Adler.

-         waxaan aad uga xunnahey falka waxashnimadu ku dheehan tahey ee lagula kacey suxufi Martin Adler. Adler oo ku caan baxey geesinimo, howlkarnimo iyo karti wuxuu suurtageliyey inuu indhaha bulshada caalamka ku baraarujiyo dhibaatooyinka soomaaliya ka taagan. Ummadda soomaaliyeed waxey halkaasi ku weydey saaxiib dhab ah. Waxaan rajeyneynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan gacanta lagu dhigo, sharcigana la horkeeno ciddii falkaasi geysatey”.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".