Wasiirkii hore ee arrimmaha dibadda Sten Andersson oo geeriyoodey

Sten Andersson oo Sabtidii bishuna ahey 16-kii bishii September si lama filaan ah u geeriyoodey

Mid ka mid ah raggii ugu cad caddaa ee xisbiga Socialdemokratka, soona qabtey xilal sarsare ee kala duwan Sten Andersson ayaa Sabtidii geeriyoodey. Sten Andersson waxey da’diisu gaartey 83 sannadood.

Sten Andersson wuxuu ka dhashey reer Nijaar/farayaamiiste ah sannadkii 1923.

Waxbarashadii kadib wuxuu macallin ka noqdey ABF-ta, isagoona markaa kadib ka mid noqdey wakiilada xisbiga socialdemokratka.

Sannooyin fara badan wuxuu ka mid ahaa bu’da maamulka xisbigaasi, sannadihii 1962 illaa  1982 wuxuu ahaa xoghayaha xisbiga socialdemokratka.

Iyada oo xilligaasi kadibna uu qabtey jagooyinka wasiirka bulshada iyo kan arrimmaha dibadda oo uu hayey illaa iyo 1991-kii.

Sten Andersson wuxuu aad uga qeyb qaatey sidii nabad loogu soo dabaali lahaa carriga Bariga Dhexe.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".