Looltankii awood qeybsiga oo sii xoogeysanaya

Cayaari waa gelin dambe ayey soomaalidu ku maahmaahdaa

Iyada oo ey laba toddobaad ka dhiman yihiin xilligii lagu dhawaaqi lahaa xubnaha dawladda ee dalka, kadib kolkii ey doorashada ku guuleysteen xisbiyada la magac baxey isutagga Iswiidhen ”Allians för Sverige”, ayaa waxaa socda loolankii afarta xisbi ee awood qeybsiga.

Hululuda ugu xoogga badan ee iminka ka jirta baarlamanka ayaa la xiriirta ciddii loo magacaabi lahaa ama xisbiga saanta u heli doona kursiga afhayeenka baarlamanka.

Dhowaantan waxey sidoo kale sheegtey hogaamiyaha xisbiga dhexe ama Centerka Moud Olofsson in loo baahan yahey in golaha wasiirradu noqdo mid siman oo barina haween yihiin, barina rag.

Fikirkaasina oo uu ku raacey Lars Lejonborg – hogaamiyaha xisbiga shacabku, hase yeeshee waxaa middaa ka carrab laalaadiyey labda hogaamiye ee Fredrik Reinfeld oo qaban doona jagada ra’iiselwasaarenimo iyo Göran Häglund ee xisbiga Kristendemokratka.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".