1 av 3
Awad Xirsi, mp. Sacdiyo Muumin, s. Faadumo Nuur, fp
2 av 3
Axmed Cabdullahi Cawaale, Abukar Seyid iyo Xaamud Maxamed Ducaale, weriyaha idaacadda caalamiga ah ee raadiyaha Iswiidhen laanta af-soomaaliga oo ku sugan farasmagaalaha xaafadda Husby
3 av 3
Sacdiyo Muumin, Abuukar Seyid iyo Axmed Shukri oo ku sugan Istuudiyaha idaacadda caalamihga ah ee raadiyaha Iswiidhen

Doodo kala duwan oo la xiriira doorashadii 17-kii September


17-kii bishii September oo uu shacbiweynaha dalka Iswiidhen u dareereen sidey codkooda u siin lahaayeen xisbiyada ee kala duwan isuna soo taagey doorashada dalka, ayaan dhexdhigney doodo kala duwan qaar ka mid ah jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.


Intii aaney dhicin doorashada 14-kii bishii September oo ey idaacaddu si toos ah uga soo baxdey faras magaalaha xaafadda Husby, ayey doodo kululi ku dhex martey siyaasiyiin soomaaliyeed ee ka kala socdey xisbiyada kala duwan ee dalka, gaar ahaan labada garab ee midigta iyo bidixda.

Sidaa si la mid ah waxaa kolkii doorashadu dhacdey, eyna kala caddaadey ciddii ku guuleysatey ama hanatey awooddii, aannu dib u kulansiiney qaar ka mid ah siyaasiyiintii, bal iney fikirradooda ka dhiibtaan iyo weliba soomaali kale oo iyaguna doorashadaa siyaabo kala duwan uga qeyb qaatey.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".