• Miisaaniyadda.

    Xisbiga Vänsterpartiet ee magaalada Malmö ayaa kulan ay xubnahiisa yeesheen shalay galab go’aan ku gaarey in aysan taageeri doonin waxay ku tilmaameen miisaaniyad dhimid dhan 100 milyan oo lagu sameeyo adeega bulshada.

  • Ninkii toogashada badan ka geystey Magaalada Malmö Peter Mangs ayaa hada qirtey labo kamid ah dilal lagu xumkumey in uu geystey. Mangs ayaa u sheegey wargeyska Sydsvenskan in uu asaga ahaa ruuxii diley Trez West Person, oo horey loogu dhex-toogtey gaari ay ku jirtey magaalada Malmö oktober 2009.

  • Magaalada Malmö waxaa maanta ka bilaabanaya wado-xaajoodka racafaanka uu Peter Mangs u gudbiyey maxkamada dhexe kadib markii maxkmada hoose ku riday xukun ah xabsi daa'in laguna helay in uu geystay dilka labo ruux iyo isku dey dil labo ruux. Xeer-ilaaliya ayaa doonaya in maxkmada dhexe ku hesho Peter Mangs dilka sadex ruux iyo iskudey dil toban ruux. Halka qareenkiisu doonayo in la siidaayo madaama uusan laheyn wax danbiya.

  • Mangs

    Maxkamada degmada Malmö ee koonfurta Iswiidhan ayaa maanta ku heshay 13 kamid ah 20 faldenbiyeed oo uu ku eedaysanaa Peter Mangs oo loo haystay dhowr toogasho oo sanadkii hore lagu dilay tira dad ah kuwa kale oo fara badana lagu dhaawacay.

  • Malmö

    Maxkamadii Malmö ka socotay ee Peter Mangs ayaa gashay maanta maalintii laba iyo tobnaad.  Dacwada maxkamada maanta ayaa lagu soo qaadi doona laba arimood oo loo haysto ninkan la tuhunsanyey in u laayey dad, halka qaarna loo tuhunsanyey isku day dil.

  • Malmö

    Saaka sagaalkii iyo badhkii subaxnimo ayaa albaabada loo furay maxkamaddii Peter Mangs oo ah ninka loo haysto saddex dil iyo laba iyo toban isku day dil, madaxa dacwad oogaha Solveig Wollstad ayaa guda gali doonta dhamaan qodabada dambiyada loo haysto Peter Mangs, mid ka mida dilalka loo haysto Peter Mangs ayaa ah dilkii nin jira 65 sanno oo maydkiisa laga helay Lindängen 13 bishii jun sannadkii 2003. 

  • Toogashadii Malmö

    Sideedii bishan may oo ku beegnayd maalintii salaasada ahayd ee isbucan ayaa maxkamad la horkeenay nin lagu magacaabo Peter Mangs oo loo haysto saddex dil iyo laba iyo toban isku day dil intii u dhaxaysay sannadkii 2003 ilaa 2010. Ninkan ayaa la sheegay in u ugaadhsi ku hayey dadka aan u dhalan dalkan Sweden. Dadyoowgaas xabadu leftay ayaa waxa ka mid ahaa nin soomaaliya oo degen magalada Malmö oo magaciisa la yidhaa baasi hassan;

    Kasim.abdulkadir@sr.se

  • Peter Mangs, 40-jir lagu tuhunsan yahay inuu magaalada Malmö ka geeystay fal-dembiyeedyo dil iyo isku diy dil isugu jira ayaa muddadii uu ku jiray ruumka ku qoray xusuus-qor noloshiisa uu kaga hadlayop. Xusuus-qorka ayuu Mangs isaga bixiyay sidii shakhsi ka sareeya shuruucda, islamarkaana taabacsan habkii maamul-bulshadeedka ee dawladdii Adolf Hitler-kii Jarmalka.

Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista