• Helay codad ka badan 2000.

    Doorashadii dhawaan dalka ka dhacdey waxaa la qafiifiyey nidaamka doorashada ruuxa. Halka markii horay ay aheyd in ruuxa uu ka helo codadka doorashada ee xisbigiisa boqolkii 8 ayaa hoos loo dhigay oo laga dhigay boqolkii 5 keliya.

  • C/casiis: Doorasho xalaal ah.

    Ereyadii hoggaamiyaha xisbiga Shacabka - Folkpartiet uu u jeediy taageereyaasha xisbiga ee ku sugnaa goobtii caweeyska doorashada ee 14-kii septembar ayaa lagu soo koobi karaa natiijadii doorashada ee dhowaantan ka dhacday dalka, middaasina oo xisbiyadu ugu tartamayeen hoggaannada heerarka kala duwan ee dalka:

    Sideed u aragtaa natiijadii doorashada ee dalka ka dhacday?

  • Fatima: La fariisan meyno SD.

    Sida uu habeenkii axadda ee doorashadii dalku soo gabagaboowday Jan björklund, hoggaamiyaha xisbiga Shacabka - Folkpartiet ka sheegay golihii caweeynta ee doorashada xisbigiisa in sagaalkii xisbi ee u tartamayey xubnaha baarlamanka ee dalku uu mid keliya ku farax-sanaa natiijada doorashada. Kaasina oo uu ula jeeday xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

  • Gacanta naloo fidiyey waan arki doonnaa.

    Doorashaduu goleyaasha kala duwan ee dalka ka dhacday axaddii ina dhaaftay, bishuna ku beegnayd 14-ka septeembar 2014 ayaa la oran karaa in guushii ku raacday xisbiyada garabka Bidix, hase yeeshee uu xisbiga keliya ee guusha ugu ballaarani ku raacday uu yahay xisbiga Sverigedemokraterna (SD) oo noqday xisbiga u ah miisaanka ee garabyada xibiyada ee golaha baarlamanka:

  • Waa la isku khilaafsan yahay natiijada.

    Soomaalida reer Isiidhen ayaa fikirro kala duwan ka bixisay natiijadii doorashada ee axaddii la soo gabagabeeyey. Ka dhageeyso codadka iyo fikirrada kala duwan ee soomaalida reer Järva.

  • Codeeyntu sidii hore wey ka badneyd.

    Doorashadii awoodaha kala duwan ee shalayto dalka ka dhacday ayaa la filayaa inay kor u qaadey dadyoowga codeeynta ka qayb-qaatey ee ku dhaqan nawaaxiga Järva oo ey ka mid yihiin xaafadaha Rinkeby iyo Tensta. Halkaasina oo soomaali badani ku dhaqan tahay, sida uu sheegay muwaadin magaciisa ku soo gaabiyay Cabdicasiis.

    Cabdicasiis wuxuu sidoo kale sheegay iney xisbiyada xubnaha kju leh baarlamanka ey masuuliyad ka saaran tahay kor u kaca tirada taageereyaasha e xisbiga SD:

  • Xaalad hubaal la'aan barlamaani ah.

    Xisbiga Moderaterna ayaa noqday xisbiga guul darada ugu daran ka soo hooyey doorashooyinka dalka. Afartii mid ka mid ah codbaxiyaasha xisbigan ayaa dhabarka xijiyey. Wasiirka koobaad Reinfeldt ayaa xalay ku dhawaaqay in uu xilka ra’iisal wasaaraha iska casilay, isaga oo sidoo kale ku dhawaaqay in xilka hogaaminta xisbiga moderatka uu iska casilaya.

  • Natiijada doorashada.

     Isbadel dowladed ayaa Sweden ka dhacay xalay, Stefabn Löfven ayaa u muuqda in uu noqon doono wasiirka koobaad ee Sweden.

  • hal maalin doorashada ma bacdii.

    Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa guul weyn ka soo hooyey doorashada Sweden codad badana ka helay codbaxiyaasha Sweden. Xisbiga ayaa doorashada barlamaanka Sweden ka helay boqolkii 12,9 taas oo ka micno ah in xisbiga SD yahay xisbiga saddexaad ee ugu weyn dalkan Sweden.

  • Doorashooyinka.

    Maalinta axadda 14ka september Shacabka Sweden ayaa u codeyn doona doorashooyin heerar kalo gedisan ah oo dalka ka dhacaya. Codeynta doorashooyinka ayaa muddo labo todobaad ah dalka ka socotay. Codbaxinta oo la soo gabangabeynayo axaddan. Haddaba Wariyaheena Warsame Elmi ayaa migrafoonka la dhex qaaday soomaalida ku nool xaafado ka mid ah Stockholm, waxna ka weydiiyey aragtidooda doorashooyinka iyo xiisaha ay u ahayaan.

Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista