• Helay codad ka badan 2000.

    Doorashadii dhawaan dalka ka dhacdey waxaa la qafiifiyey nidaamka doorashada ruuxa. Halka markii horay ay aheyd in ruuxa uu ka helo codadka doorashada ee xisbigiisa boqolkii 8 ayaa hoos loo dhigay oo laga dhigay boqolkii 5 keliya.

  • Fatima: La fariisan meyno SD.

    Sida uu habeenkii axadda ee doorashadii dalku soo gabagaboowday Jan björklund, hoggaamiyaha xisbiga Shacabka - Folkpartiet ka sheegay golihii caweeynta ee doorashada xisbigiisa in sagaalkii xisbi ee u tartamayey xubnaha baarlamanka ee dalku uu mid keliya ku farax-sanaa natiijada doorashada. Kaasina oo uu ula jeeday xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

  • "Mucaarad ayaanu ahaanaynaa".

    Hogaamiyaha xisbiga Shacabka ee Folkpartiet Jan Björklund ayaa sii haynaya jagadaas. Jan Björklund ayaa sheegay in uu taageero buuxdo ka haysto golaha fulinta ee xisbigiisa, mar uu la hadlayay wakaalada wararka ee TT

  • Gacanta naloo fidiyey waan arki doonnaa.

    Doorashaduu goleyaasha kala duwan ee dalka ka dhacday axaddii ina dhaaftay, bishuna ku beegnayd 14-ka septeembar 2014 ayaa la oran karaa in guushii ku raacday xisbiyada garabka Bidix, hase yeeshee uu xisbiga keliya ee guusha ugu ballaarani ku raacday uu yahay xisbiga Sverigedemokraterna (SD) oo noqday xisbiga u ah miisaanka ee garabyada xibiyada ee golaha baarlamanka:

  • "Dakhliga xisbiga ayaa kordhay".

    Doorashadii ka dib ayaa xisbiga Sverigesdemokraterna ayaa hadda helaya lacag dhan 77 milyan. Halka xisbiga Moderat-ka uu waayi doona in ka badan 14 milyan oo lacagtii xisbiga lagu taageeri jiray ah, ka dib markii ay tageeradiisu hoos u dhacday doorashadii

  • Waa la isku khilaafsan yahay natiijada.

    Soomaalida reer Isiidhen ayaa fikirro kala duwan ka bixisay natiijadii doorashada ee axaddii la soo gabagabeeyey. Ka dhageeyso codadka iyo fikirrada kala duwan ee soomaalida reer Järva.

  • Codeeyntu sidii hore wey ka badneyd.

    Doorashadii awoodaha kala duwan ee shalayto dalka ka dhacday ayaa la filayaa inay kor u qaadey dadyoowga codeeynta ka qayb-qaatey ee ku dhaqan nawaaxiga Järva oo ey ka mid yihiin xaafadaha Rinkeby iyo Tensta. Halkaasina oo soomaali badani ku dhaqan tahay, sida uu sheegay muwaadin magaciisa ku soo gaabiyay Cabdicasiis.

    Cabdicasiis wuxuu sidoo kale sheegay iney xisbiyada xubnaha kju leh baarlamanka ey masuuliyad ka saaran tahay kor u kaca tirada taageereyaasha e xisbiga SD:

  • Halka ey xubnaha firfircoon ee xisbiyadu ku dadaalayaan sidii ey gacan uga geey-san lahaayeen kor u qaadidda tirada codeeyeyaasha ee xaafadaha ey ajaaniibta, qaasatan muslimiintu ku badan yihiin ayuu dhanka kale uu xisbiga la magac-baxay Xisbul Taxriir dhankiisa ku guubaabineyaa dadyoowga muslimiinta ah iney qaadacaan doorashada maadaama ey tahay xaaraan - Doorasho aan xalaal ahayn. Kuwaasina oo aamin-san in nidaamka talo-wadaagga ee dalkani uu yahay mid ka soo hor-jeeda diinta islaamka.

  • Waa in bulshada la isku hayo.

    Muddadii afarta sannadood ee ka dambeeysay doorashadii awoodda dalka ee sannadkii 2010 ee xisbiga Kristendemokraterna (KD) uu xulufada kula jiray xisbiyada garabka midig ayuu ku tilmaamay hoggaamiyaha xisbiga KD Göran Hägglund in howlaha daryeelka iyo xannaanada waayeelku ahaayeen howlaha uu xisbigiisu saameeynta ugu ballaaran ku yeeshay, mar uu u warramayay idaacadda Iswiidhen oo wareeysiyo gaargaar ah la yeelatay hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka:

  • Mowqifka wey bedeli karaan.

    Iyada oo ey maalmo ka har-san yihiin heerarka kala duwan ee doorashada sannadka oo ku beegan 14-ka bisha septeembar ayey xisbiyadu si aad ah uga doodeen fikirradooda siyaasadeed ee dalka, hase yeeshee aanan wax badan laga hadal siyaasadda xisbiyada/garabyada ee la xiriirta arrimmaha dibadda.

  • "Ha la joojiyo".

    Tobankiiba, sagaal ka mid ah codbiyayaasha way ka soo horjeedaan macaashka laga helo dugsiyada. Sidaa waxaa ku tusaysa baadhitaan lagu soo bandhigay bogga doodda ee jariirada Dagens Nyheter, baadhitaanka oo ay sameeyeen ururka guud ee ka middoobeen macallimiintu

  • "Jagada wasiirka koowaad ee dalka"

    Xisbiyada sinnaanta ee Feministiska initiativ ee beegsanaya in uu soo galo barlamaanka waddankan, ayaa raba in uu tageero in uu wasiirka kowaad ee dalkan uu noqdo hogaamiya xisbigada mucaaradka ah ee Socialdemokraterna Stefan Löfven, xataa haddii aan laga qayb gelin dawlad ay mucaaradku soo dhisaan oo aan la siin xubno wasiiro ah.

  • "Nacayb ku aadan muslimiinta"

    Ka dib markii shalay jariirada Expressen ay shaaca ka qaaday in Christoffer Dulny oo xisbiga Sverigedemokraterna musharaxiintiisa Stockholm ka mid ah, uu internetka ku qoray hadalo cunsurnimo ah ayaa maanta jariiradu waxay kashifaysa saddex siyaasi oo kale oo ka tirsan xisbiga Sverigedemokrater oo iyana internetka ku qoray hadalo cunsurinimo ah.

Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista