• 1 av 3
    2 av 3
    3 av 3
    Gebogebo Almedalen.

    Usbucii siyaasadda ee Almedalen ayaa soo gebogeboobay maalinimadii shalay oo axad ahayd. Usbaacan siyaasadda Almedalen ee sannadkan ayaa wuxuu kaga duwanaa kuwii sannadihii hore ayaa waxaaan aad looga hadlin arrimaha shaqada iyo waxbarashada. Taa bedelkeeda waxaaa aad looga hadlay mabda'a sinnaanta ragga iyo dumarka iyo u doodida xuquuqda haweenka

  • Ururka Femen.

    Raysal wasaaraha waddankan, ahna hogaamiyaha xisbiga Moderat-ka Fredrik Reinfeldt  ayaa xalay mar uu qudbad ka jeedinayay Almedalen mudaharaad kala kulmay dumar ka tirsan dalada Femen e etageerta sinaanta ragga iyo dumarka. 

  • Lööf: Guul ayaan ka fileeynaa.

    Xisbiga Dhexe ama (Center-ka) ayaa doorashadii ugu dambeeysay ee hoggaanka dalka ku hantiyay taageeradii ugu hooseeysay intii lagu jirey xilliga casriga. Iyadoona uu xisbigu helay codad gaarsii-san 6,6%. Dhanka kale tira-koobyadii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xisbiga Dhexe uu taagan yahey codad gaarsii-san 5,6% ee doorashadda foodda innagu soo haysa.

  • In loo sinnaado mushaarooyinka.

    Xisbiga Shacabka ama (Folkpartiet) oo sabtida berito ah hanan doona masraxa Almedalen ayuu sheegay hoggaamiyuhiisu oo maanta wareeysi ay la yeelatay idaacadda Raadiyaha Iswiidhen (SR) inuu dooneyo inay xisbiga summad u noqoto mabaadiida lagu magacaabo "FEMINISM", isagoona soo jeediyay in bil dheeri ah lagu daro bilaha u sumadeeysan aabbeyaasha ee fasaxyada loo qaato nolosha hore ee dhallaanka. Hoggaamiyaha xisbiga Jan Björklund ayaa sidoo kale sheegay in xisbigiisu taabac-san yahay in lagu tallaabsado tallaabooyin lagu simeyo mushaarooyinka ragga iyo haweenka:

  • 1 av 3
    2 av 3
    3 av 3
    Almedalen.

    Shaqooyin badan, guryo badan iyo siyaasad dhaqaale oo masuuliyad ka muuqato, ayaa ka mid waxyaabaha ugu xundhurta u ahaa, hadalkii hogaamiyaha Moderatka Fredrik Reinfeldts ee Almedalen. Wuxuu balan qaaday in 350 kun oo qof ee swedish ahi ay shaqo gelayaan 6 sanno gudahood. Isaga soo jeediyay in xooga la saaro dadka waddanka hadda yimi iyo dhalinyarada

  • Almedalen.

    Xisbiga Moderat-ka ayaa balan qaadaya 20 kun oo guryaha arddayda ah, oo cusub. Xisbiga moderatka oo raba in uu kordhiyo maalgelinta guryeynta ee xisbiyada ku xulufada dawlada dhisayaan oo ah 100 kun oo guri in ay ku daraan 20 kun oo guryaha arddayda ah inta ka horaysa 2020

  • Wiiga Siyaasada Almedalen.

    Jasiiradda Gotland ayuu axaddii ina dhaaftay ka biloowday kulankii toddobaadka siyaasadda ee Almedalen, iyadoo weliba sannadka lagu jiro sannad doorasho, heer-kulkuna ka sarreeyo sannadihii la soo dhaafay

  • 1 av 3
    2 av 3
    3 av 3
    Almedalen.

    Åsa Romson oo ah mid ka mid ah labada horjooge ee xisbiga dabeecada, Miljöpartiet ayaa qudbadeedii shalay ay ka jeedisay Almedalen ku sheegtay in  ay muhiim tahay in la cadeeyo meesha ay ka timaado cuntada aynu cuno. Waxayna soo jeedisay hindise lagu qasbaayo hoteelada cuntada, makhaayadaha, iskuulada iyo goobaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyaaa in soo daabacaan waddamada ay ka yimaadeen waxyaabaha ay ka kooban cuntada meelahaas lagu cunaa

  • Almedalen.

    Xisbiga Dabeecadda, Miljöpartiet ayaa maanta sheegay in rabaan in ay lacag badan siiyaan ciidamada ilaalada xeebaha. Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa sannado ka hor iftiimiyay in ay dhaqaale xumo soo foodsaartay, arrinka oo in muddo ah soo jiitantay ayaa hadda ugu horeyn dawladu ay soo bandhigaysa hindise dhaqaale oo adag oo xal ah

  • 1 av 3
    2 av 3
    3 av 3
    Toddobaadka siyaasadda ee Almedalen.

    Qofka da’diisu dhaafto 85 jir waxaa loo damaanad qaadaya in boos laga siiyo goobaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo, iyada oo aan la siin wax diidmo ah. Sidaa ayuu ku hogaamiya Kristdemokraterna Göran Hägglund, qudbadisii uu ugu talo galay Todobaadka siyaasadda ee Almedalen ee shalay ka jeediyay Visby

  • 1 av 3
    2 av 3
    3 av 3
    Almedalen.

    Toddobaadka Siyaasada ee Almedalen oo sannadkiiba mar wuxuu ka dhaca faras magaalaha Gotland ee Visby. Halkaas oo aisugu yimaadaan horjoogayaasha xisbiyada siyaasada ee Sweden, Ururo iyo Shirkado

  • Ammaanka wuu sugan yahay.

    Axadda foodda innagu soo haysa, bishuna tahay 29-ka juun ee sannadkan 2014 waxaa albaabbada loo furi doonaa toddobaadkii siyaasadda ee Almedalen. Shabbakadaha internet-ka ee bulshada facebook, twitter, instagram iyo wixii la mid ah ayaa laga dareemeyaa dhaqdhaqaaqyo iyo qoraallo ballaaran ee la xiriira toddobaadka siyaasadda ee Almedalen iyo waxyaalaha xiisaha loo hayo ama looga wada xaajoon-doono muddada toddobaadka siyaasadda ee Visby oo ku taala bartamaha faras-magaalaha jasiiradda Gotland.

Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista