• Miisaaniyadda dawladda.

    Hoggaanka dawladda ee dalka Iswiidhen ayay la soo gudboonaatay xaalad cakiran ee siyaasadeed, middaasi  oo salka ku haysa  cabsi laga qabo in la rido qorshaha miisaaniyadda dawladda oo maanta lagu soo ban-dhigeyo xarunta baarlamanka dalka Iswiidhen.

  • Doorasho cusub oo dhici doonta.

    Madaxa dawladda Stefan Löfven oo shir jaraa'id qabtay ayaa ku dhawaaqay inuu ku dhawaaqi doono doorasho inay dalka ka dhacdo 29-ka bisha diseembar.
    - Waxaan ii muuqan suurtagallo aan si aqlabiyad leh ugu hoggaamin karo dalka. Löfven ayaa intaa raaciyay in xaaladda cusub ee siyaasadeed aanu marnaba aqbali karin in xisbiga Sverigedemokraterna (SD) uu shuruudda dejiyo, sida uu sheegay Stefan Löfven.

  • Shir-jaraa'id.

    153 xil-dhibaan ayaa codkooa siiyey miisaaniyaddii dawladda, halka ey xil-dhibaanno gaarsii-san 183 ugu codeeyeen iney ka soo hor-jeedaan miisaaniyadda dawladda. Middaasi ayay macnaheedu tahay in baarlamanku aqbalay ama aqlabiyad ugu codeeyey in la qaato miisaaniyaddii mucaaradka. Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sidaa ku gashay jawi cakiran. Iyadoona uu madaxa dawladda Stefan Löfven uu shir-jaraa'id isugu yeeray saacaddu markay tahay 16:30.

Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista